Degmo ka tirsan Galgaduud oo Maanta lagu gubay Jaad badan

Ciidamada Ammaanka Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta goob fagaare ah waxaa ay ku gubeen qaad farabadan oo ay kusoo qabteen howlgalka ay sameeyeen.

Saraakiisha amniga Caabudwaaq ayaa sheegay in howlgalka qaadka lagu soo qabtay  Ciidamada ay sameeyeen Xaafado ka tirsan Caabudwaaq iyo deegaano kale oo hoostaga degmadaas.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in marnaba aysan aqbali doonin ah in gudaha Caabudwaaq lasoo geliyo qaadka oo horey Dowladda Federaalka Soomalaiya ay mamnuuncay in dalka la keeno.

Sababta loo mamnuucay qaadkii laga keeni jiray Kenya iyo Itoobiya ayaa waxaa uu yahay mid la xiriirta faafida Cudurka Coroanvirus oo kusii faafaya Caalamka, isla markaana Kiisas dhowr ah laga helay dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Maalin kahor ayay aheyd markii Ciidanka amniga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay goob fagaare ah ku gubeen qaad badan oo lagu soo qabtay howlgalka laga sameeyay halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media