DEG DEG:-Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle oo la qafaashay

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas laga qafaashay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in xubno hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan Al-shabaab ay kala degeen gaari uu la socday Xildhibaanka oo mararay inta u dhexeeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Xildhibaan uu kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho, hayeeshee ay dhul-howd ah uga soo baxeen xubno hubeysan, kadibna gaariga ay kala degeen, waxaana Magacaabiisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Siyaad.

Weli lama oga halka lala aaday Xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan falkaas dhacay.

Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro toos ah iyo Qaraxyo lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Saraakiil Ciidan iyo kuwa AMISOM ah, waxaana Mas’uuliyada weeraradaas sheegtay Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media