DEG DEG:- Wade Mooto Bajaaj oo lagu dilay  Magaalada Muqdisho

Waxaa gordhweyd Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay mid ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata mootada Seddex  lugooleeyda ee Bajaajta loo yaqaanno, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Xaliima Hiite ee Degmada Kaaraan, waxana loo gaystay Wade Mooto Bajaaj oo goobta marayay sida ay kusoo warramayaan goobjoogayaal ku sugan halka wax ka dhaceen.

Wali faah faahin buuxda lagama hayo dadka dilka fuliyay iyo sababta ka dambeysay in la dilo Marxuumka.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media