DEG DEG :Shaqaale Ajnabi Pizza House ka tirsan oo ku geeriyooday weerarka

Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno weerarkii xalay lagu qaaday Hotelka Posh Treats islamarkaana saameyn ku yeeshay Hotelka Pizza House ayaa waxa ay sheegayaan in Shaqaalo ka tirsan kuwa Ajaanibta ah ay ku geeriyoodeen weerarkaas.

maadaama ay aheyd xili habeen ah oo aan la ogaan karin tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay ayaa waxaa la soo sheegayaa in Shaqaalo u kala dhashay Wadamada Kenya Siiriya iyo waliba Itoobiya ay ka mid yihiin dadkii ku geeriyooday weerarkaas halka kuwo kale ay ciidamada amniga soo badbaadiyeen.

Ciidamada xasilinta amniga ayaa xalay Saqdhii dhexe soo afjaray weerarkii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen hotelada  Pizza House iyo Posh Treats,kaas oo isku bedelay  dagaal toos ah kadib markii rag hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka Pizza House oo Bulsho badan ay u damaashaad tagaan.

Dowladda Soomaaliya Masuuliyiin ka tirsan ayaa Goobta gaaray isla xalay,waxana ka m id ahaa Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale)

Maqaayada Pizza House ayaa waxay aheyd mid si aad ah u camiran islamarkaana Shaqaalaha ka howlgalayay intooda badan ay ahaayeen dad Ajnabi ah mana la oga saameynta uu ku yeelan karo weerarkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor