DEG DEG:-Sarkaal loo magacaabay Taliye NISA ee Jubaland oo ku xaniban garoonka diyaaradaha Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magalada  kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha uu ku xaniban yahay Cali Mire oo ah taliyaha nabadsugida dowladda Soomaaliya u magacaawday dhinaca Jubaland .

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Jubaland diiday inuu galo magaalada,iyada oo Maalinta Berito ah dib loogu soo celin doono Magaalada Muqdsiho oo uu markii hore  ka baxay.

Jubaland ayaa horey u diiday in uu Magalada kismaayo galo taliyihii xooga ee maamulkooda loo magacaabay waxaana uu ugu dambeyn ka dagay Baardheere oo uu xarun ka sameystay.

Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com