DEG DEG:-Qarax xoogan oo Goordhow ka dhacay Magaalada Jowhar

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaa goordhow uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha Magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bile, xili uu marayey xaafadda horseed ee Jowhar, waxaana saarnaa Ciidamo ka tirsan Maamulka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in gaariga la qarxiyey uu leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meeyre Makaraan, in kastoo la sheegay in uusan gaariga la socan, xiliga uu qaraxu dhacayaay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa durbo goobta si dhaqsi ah u xiray, iyagoona halkaas ka wada baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxaas miinada ee ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor