DEG DEG: Qarax xoogan oo Goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax  xoogan ayaa Goor dhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow Isgoyska KM-4 gaar ahaan wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah , isla markaana waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay, iyaga oo xiray, waxaana sidoo kale halkaas laga maqlayaa rasaas xoogan oo ay furayaan Ciidanka Booliska ee halkaas gaaray.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor