DEG DEG: Qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay magaalada muqdisho

Qarax xooggan oo jugtiisa si weyn looga maqlay Degmooyinka Muqdisho ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolkani Banaadir, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan Qarax.

Qaraxa oo ahaa ismiidamin ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in uu ka dhacay meelu dhaw xerada ciidanka Nacnaca ee degmada Wadajir.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay Maqaaxi laga shaaho, waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa, oo ay ku jiraan Askar sida la sheegay.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor