DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xooggan oo jugtiisa laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Caasimadda ayaa hadda ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana wali la maqlayaa dhawaqa rasaas goos goos ah.

Qaraxa oo sida wararku sheegayaan uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla Isgoyka Juba ee  Muqdisho Muqdisho, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Qaraxa oo sida la sheegay lala beegsaday Maqaayad ay fariisan jireen Askar ka tirsan Dowladda ayaan ilaa hadda la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Waxaana goobta haatan xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, walina lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay, balse wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu yahay mid xooggan oo ay macquul tahay in khasaaro uu ka dhashay.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor