DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Degmada Afgooye oo lagu dilay Taliye Ciidan

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow gudaha degmadaas uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha degmadaas.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Baar Ismaaciil gaar ahaan wadada u leexada dhanka Dugsiga Sare ee Afgooye, waxaana lala eegtay gaari uu watay Taliyaha Rugta Tadaamun ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdi Madoowe ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday qaraxa lala beegsaday, wuxuuna qaraxu ku qabsaday, xili uu marayey wadada u leexada dhanka Dugsiga Sare ee Afgooye, ma jiro khasaaro kale oo ka dhashay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa durbadii gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray wadada, iyagoona u diidaya inay maraan dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan, goobata ka qaaday Meydka Taliyaha.

Laamaha ammaanka Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaas lagu dilay Taliyihii Rugta Tadaamun ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee Afgooye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor