Deg Deg:- Kooxo Hubaysan oo Askari iyo Haweneey goor dhow ku dilay Muqdisho

Kooxoo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in goordhow Isgooska Baar Ubax ee magaalada in ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda iyo Haweeney la socotay Askariga.

Goobjoogayaal ayaa Dalsan u sheegay in kooxaha dilka gaystay ay wateen Baastoolado isla markaana goob qaadka lagu iibiyo ay ku dileen Askariga iyo Haweneyda la socotay oo la sheegay in ay qaad iibsanayeen.

Dadka deegaanka aay u sheegay Idaacadda Dalsan in Hawenaydu ay ka mid ahayd Ganacsatada qaadka iibisa ila markaana ay ku dhimatay rasaas dhex martay Askariga iyo kooxaha dilka gaystay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor