DEG DEG:-Guri yaalla Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir oo soo dumay

Waxaa daqiiqdo kahor oo Caawa ah soo dumay Guri dhismihii hore ah oo ku yaalla xaafad ka tirsan Degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir.

Guriga soo dumay ayaa waxaa la sheegay inuu ka koobnaa saddex dabaq, isla markaana waxaa uu ahaa dhismayaashii hore, iyadoona Gurigaas ay deganaayeen dad shacab ah.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in xiliga uu guriga soo dumaaay ay halkaas ku sugaayeen dadkii deganaa, iyadoona goobta uu ka socdo gurmad xoogan.

Waaxda Gurmadka deg deg ah ee Gobolka Banaadir iyo dadweyne badan ayaa ku  sugan Guriga soo dumay, isla markaana waxaa ay wadaan dadaalo lagu soo sama bixinayo dadkii halkaas ku waxyeeloobay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay Guriga soo dumay, In kastoo aan weli la xaqiijin, uuna gurmad socdo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media