DEG DEG:-Dowladda Kenya oo joojisay Xaflad lagu soo dhaweyn lahaa Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta la joojiyey munaasabad lagu soo dhaweyn lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna guddoomiyaha Xisbiga Wadajir  taas oo 1: Duhurnimo ee maanta ka dhici laheyd Fagaaraha Sir Cali Muslim Club oo ku yaalla Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Munaasada ayaa aheyd mid ay u qaban lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool magalada Nairobi ee dalka Kenya taas oo ku saabsaneyd soo dhaweynta Guddoomiyaa Xisbiga Wadajir Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Illo xog-ogaal ah ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in laamaha amniga Kenya ay joojiyeen Munaasabadaas lagu soo dhaweyn lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur,in kastoo sidhab ah aysan u faah faahin cidda bixisay amarka Xaflada lagu joojiyey.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo dhawaan gaaray dalka Kenya,waxa uu yahay Shaqsi aad u dhaliilada Madaxda Dowladda Soomaaliya,waxana horay ,muqdisho looga joojiyey kulan uu ku qaban lahaa Hotelka Saxafi ee M/Muqdisho.