DEG DEG:-Diyaarad Goordhow ku dhacday Magaalada Baladweyne

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas ay kusoo dhacday diyaarad.

Diyaaradaas ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka kacay dab xoogan, isla markaana waxaa socda dadaalo xoogan oo lagu deminayo dabkaas ka kacay diyaardaas kusoo dhacday Garoonka Baladweyne.

Sidoo kale diyaarada soo dhacday ayaa wararka qaarkood sheegayaan inay tahay nooca xamuulka qaado ah, taasi oo siday raashin, waxaana goobta ku sugan Ciidamo ka tirsan amniga Gobolka Hiiraan.

Weli lama oga sababta keentay in diyaaradaas soo dhacdo, hayeeshee dad ku sugan meel aan sidaas uga fogeyn Garoonka diyaaradaha Baladweyne ayaa soo sheegaya in diyaaradaas ay lugaha u bixi waayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media