DEG DEG:- Dil ka dhacay Duleedka Degmada Caabudwaaq

Wararka aan ka helayno duleedka Degmada Caabud-waaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in Goordhaweyd  halkaas lagu dilay Qof shacab ah, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya dilkaasi.

Wararku waxaa ay sheeegayaan in Israsaasayn ay  dhexmartay dad isku haysta Dhul beereed ku yaala duleedka Caabudwaaq, waxaana lasoo sheegaya in hadda xaaladdu ay kacsan tahay.

Labada dhinac ee israsaaseyntu dhexmartay ayaa la sheegay in ay yihiin beelo walaalo ah oo degaanka wada dega, waxaana Rasaasta ay isku adeegsaden ku dhintay qof shacab ah oo aan ka mid aahyn dhinacyada dirirtu dhexmartay.

Qofka shacabka ah ee dhintay ayaa ka mid ahaa dad doonayay in ay kala dhexgalaan dhinacyada israsaaseyay, waxaana haleeshay Rasaasta ay isku adeegsanayeen labada Malleyshiyo beeled  ee dhul beereedka isku haystay.

Wali ma jiro wax faah faahin oo ay bixiyeen laamaha ammaanka Galmudug, waxaana wali taagan Xaalad kacsanaan ah oo u dhexeysa labada Malleyshiyo ee is hor fadhiya, sida ay kusoo warramayaan goobjoogayal ku sugan duleedka Caabudwaaq.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media