DEG DEG:-DFS oo shaacisay in Kiisas hor leh oo Coronavirus ah laga helay Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Goordhow  shaacisay in Magaalada Muqdisho laga helay afar Ruux oo qaba Cudurka halista ee Coronavirus, kuwaasi oo la karantiilay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dadka Maanta laga helay Cudurka ay yihiin kuwo dalka joogay oo aan dibadda ka imaan, isla markaana xitaa aan xiriir la laheyn dibadda.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka laga helay Cudurka ay ku jiraan laba Sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulaysa waajibaadka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii ka cusboonaada caabuqa COVID-19, waxay umadda la wadaagaysaa qodobadan:
2. Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)

3. Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12

4. 4ta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda

5. Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa

6. Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda

7. Wasaaraddu ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub

8. Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda

9. Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media