DEG DEG:- Dad shacab ah oo lagu laayay Degmada Warsheekh

Wararka aan ka helayno  Degmada Warsheekh Gobolka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku warramaya in Caawa degmadaas lagu Xasuuqay dad shacab ah oo haween iyo carruur ka kooban.

Wararku waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay Toogasho ku dileen dadkaas oo shacab danyar ah ahaa, waxaana lasoo sheegayaa in  dadka la laayay ay ahaayeen hal qoys, waxaana ay ka kooban yihiin dadka la xasuuqay Hooyo Umul, Ilmo yar oo 40 maalmood dhallanaa iyo Wiil ay dhashay oo Seddex sano jir ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda falkaas gaysatay ay dhaawac u gaysteen Hooyo iyo Wiil ay dhashay, kuwaas oo wararku sheegayaan in dhaawac aad u daran uu soo gaaray.

Dad Goob joogyaal ah ayaa sheegay in dhacdadani ay la xariirto aanooyin qabiil oo dhawaanahaan degaanadaas ka taagnayd, waxaana dadka degaanku ay hadda ku warramayaan xaalad kacsanaan ah ay jirto.

Degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa tiro dhowr jeer ah ka dhacay dagaal beeledyo khasaaro badan dhaliyay, waxaana dhawaan Gobolkaas lagu Xasuuqay Culimo. iyadoo ay arrintaasi la xariirtay aanooyin qabiil.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media