DEG DEG:-Dad dhigaayay Banaanbax ka dhan Farmaajo oo la rasaaseeyay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa rasaas xoogan furay dadweyne badan oo Banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo ka waday degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay waddo ku taalla Yaaqshiid, iyagoona siweyn uga horjeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Federaalka.

Ciidanka Booliska ayaa tegay halku uu banaanbaxa ka socday, isla markaana kala eryay dadkii dhigaayay Banaanbaxa oo ku qeylinayay erayo ay kamid yihiin doonimeyno kaligiis taliye iyo Erayo kale.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in rasaasta lagu furay dadka dhigaayay Banaanbaxa ay ka dhalatay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka ku gubayay taayawo waaweyn, isla markaana xiray wadada, waxaana kahad ku jira isku socodka gaadiida iyo dadka.

Qaar kamid ah dadka dhigaya banaanbaxa ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu boobayo Doorashada dalka ka dhaceysa, sidoo kalena sheegay inay doonayaan in dalka ay ka dhacdo Doorasho nabad oo loo dhan yahay.

Banaanbaxa ka bilowday Muqdisho ayaa waxaa soo abaabulay Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Caasimadda ka socday abaabulka Banaanbaxyo xoogan oo looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo iyo DFS.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media