DEG DEG: Booliska Soomaaliya oo Bandow kusoo rogay Magaalada Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Bandow lagu soo rogay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo socon doona inta doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ka dhammaaneyso.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir Jaraa’id goor dhow u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho uu bilaabanayo Caawa saacada markii ay tahay 09:00 PM, kuna egyahay maalinta Isniinta 06:00 Arroornimo.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in gebi ahaan la joojinayo isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Muqdisho, isla markaana la xirayo dhammaan waddooyinka Magaalada iyo Suuqyada dadka ka adeegtaan ilaa laga gaaro maalinta Isniinta  oo ay taariikhdu tahay 16-ka May.

Sidoo kale Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa caddeeyay in xitaa la joojin doono socodka lugta ee dadweynaha, isagoona shacabka kunool Caasimadda Muqdisho ugu baaqay inay goor hore soo adeegtaan oo waxa ay u baahan yihiin ka qaatan Suuqyada.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska dolwadda Soomaaliya ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in xaaladdo Caafimaad oo Deg-deg ah haddii lasoo deristo shacabka inay la soo xiriiraan Taliska Booliska dowladda.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berry oo Axad ah ay ka qabsoonto Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni, waxaana socda ololihii ugu dambeeyay ee doorashada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor