DEG DEG:- Bam Gacmeed lagu weeraray hotel ku yaalla Jowhar iyo masuul ku dhaawacmay

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in gordhow halkaas uu ka dhacay qarax iyada oo faahfaahino ay kasoo baxayaan.

Qaraxaan oo la sheegay in uu ahaa Bamgacmeed lagu weeraray hoteelka Safa oo ku yaalla Wadada aadda dhinaca Garoonka diyaaradaha  Jowhar gaar ahaana wadada ka baxda magaalada, waxaa la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray masuul ka tirsan maamulka magaalada Jowhar.

Weriyaha dalsan ee Jowhar ayaa soo sheegaya in qaraxa oo ahaa Bamka gacanta laga tuuro uu ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda magaalada Jowhar Ciiley Warsame dhaawaciisuna uu yahay mid fudud.

Rasaas kooban ayaa la maqlay qaraxa kadib iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabeelle ay isku gadaameen hoteelka Bamgacmeedka lagu weerarray lamina sheegin hadii la qabtay dadkii ka dambeeyay.