DEG DEG:- Baarlamanka Puntland oo xilkii xildhinanimo ka xayuubiyey 8 mudane

Wararka naga soo gaarayo magaalada garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa ku warramaya in Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi xasaanaddi laga qaaday.

Wararku waxaa ay sheegayaan Baarlamanka Puntland ay xilkii xildhinanimo ka xayuubiyey 8 mudane oo mucaaridsanaa Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jabriil, waxaana la sheegay in 35 mudane ayaa gacanta u taagtay, taasi oo ka dhigan in ay Xaasanaddii Xildhibaanimo waayeen Mudanayaasha Xilka laga qaaday.

Xildhibaannada xilka laga qaaday ayaa kala ah:

1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2.Xildhibaan Cabdiqani surato

3.Xildhibaan Muuse Jajabsay

4.Xildhibaan Baduugaaye

5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

6.Xildhibaan Saleeban Faarax.

7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caali.

Maalmahan waxaa taagnaa Khilaaf xooggan oo u dhexeeya Xildhibaanada  iyo Guddoonka, waxaa jiray eedeymmo culus oo loo jeediyay guddoomiyaah oo ahaa in yy afduubtay Xildhibaanada awoodna uu sheegayanayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media