DEG DEG:-Axmed Madoobe oo xilka qaadis ku sameeyay Wasiir C/rashiid Janan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xilka looga qaaday Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo in muddo ah ka tirsanaa Maamulkaas.

Xilka qaadista Wasiir Janan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo wada-hadal  ay u socdaan Cabdirashiid Janan iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Axmed Madoobe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor