Dawladda Finland oo War kasoo saartay khilaafka ka taagan Doorashada Somaliland

Dawladda Finland ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasadda Somaliland inay dib ugu soo laabtaan miiska wadaxaajoodka, isla markaana walaac ka muujisay “jawiga siyaasadeed ee kacsan” ee ka taagan Somaliland.

Bayaan uu saaray Suldaan Siciid Axmed oo tirsan Baarlamaanka Finland, asalkiisuna Soomaali yahay ahna ergayga Geeska Afrika ee dawladda Finland ayaa sheegay in booqasho uu ku tagay bishii July Somaliland uu kulamo kula yeeshay dadka ay ka go’do siyaasadda Somaliland,  waxaana uu yiri;

“Waxaan ka walaacsanahay jawiga siyaasadeed ee kacsan ee Somaliland, ismari waagga siyaasadeed ee kordhaya ee ku aadan in xilligeeda ay doorasho ka dhacdo Somaliland dhammaadka sanadkan”.

Bayaankiisa ayuu ku sheegay ergaygu in Somaliland ay ka mid ahayd meelaha ugu xasilloon Geeska Afrika halkaasi oo horumarka nidaamka Baarlamaaniga ah iyo dimuqraadiyadu rajo galinayeen gobol colaaddu dilootay, balse hadda deganaansho la’aanta siyaasaadeed halis ku tahay horumarkaasi wanaagsan.

Suldaan Siciid Axmed ayaa wuxuu sheegay in ay tahay wax la fami karo fasiraada kala duwan ee sharci ee xisbiyadu ka bixinayaan waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay, hase yeeshee uu ku baaqayo in hannaan loo dhan yahay oo dhaqanka ku salaysan xal looga garo xaalladan.

Ergayga dawlada Finland ee Geeska Afrika wuxuu sheegay in Somaliland ay muujisay caddayn wayn oo ah in xal laga gaaro xaallado la isku diiddanaa iyadoo aqalka Guurtida & hay’adaha kale ee dawloga ah door wayn ka ciyaareen arrintaas.

Somaliland ayaa waxaa ka taagan khilaafka xoogan oo u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda xisbiyada Somaliland, waxaana dhawaan fashilmay dadaalo kala duwan oo lagu doonayey lagu xaliyo khilaafka ka jira doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor