Darawal Soomaali ah oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Mareykanka

Waxaa shil baabuur ku dhintay darawal Soomaali ah oo waday baabuurta waaweyn ee loo yaqaano (truck) ee u kala goosha magaalooyinka iyo Goboladda dalka Mareykanka.

Shilkan ayaa ka dhacay wadada weyn ee 94-ka ee magaaladda Chicago, gobolka Illinois. Wadada uu shilka dhimashadda sababay ka dhacay ayaa ah wado goboladda dalka Mareykanka looga kala goosho oo dhex-marta Magaalooyin waaweyn ee dalkaas.

Darawalka Soomaaliga ahaa ee shilka ku geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Allaha u naxariistee Maxamed Cali Jaamac, isla markaana waxaa uu kamid ahaa Darawada kexeeya baabuurta waaweyn ee loo yaqaano (truck).

Marxuun Maxamed Cali Jaamac ayaa ahaa Aabbe afar carruur ah iyo xaas, wuxuuna deganaa Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana weli socda baaritaan la xiriira sababta keentay shilka iyo sida ay wax u dhaceen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor