Darawal goor dhaw lagu dilay xeebta Liido iyo faah faahin kasoo baxeysa

Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Booliska ayaa goordhaw xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ku dilay mid kamid ah darawalada mooto Bajaajta ku shaqeysta, waxaana falkaas laga helayaa faah faahino dheeraad.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga Booliska uu si bareer ah rasaas ugu furay darawalka mooto Bajaaj, xili uu ku sugnaa aargada xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Dilka loo geestay darawalka mootada ayaa ka danmbeyay, kadib markii uu muran kooban soo kala dhexgalay Askariga Booliska iyo darawalka, waxaana muranka dhaliyay in darawalka uu diiday amar uu bixiyay askariga, taas oo keentay in askariga uu rasaas ku furo marxuumka oo goobta ku dhintay.

Dhowr daqiiqo kadib ayaa goobta uu falka ka dhacay laga qaaday Meydka darawalka ladilay, waxaana goobta ka baxsaday Askariga falka geystay, wararka ayaa intaas kusii daraya inuu darawalka xiligii ladilayay uu badda u waday caruur uu dhalay.

Magaalada Caasimada ee Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo hore Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah ugu dileen darawalo ku shaqeysan jiray mooto Bajaajta, mana jirto  tallaabo laga qaado Askarta falalkaas geysata.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor