Darawal Gaari oo 5-kun Shilin Soomaali ah loogu dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa daqiiqado kahor toogasho ku dilay mid kamid ah darawaliinta kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Homey, kadib markii uu rasaas ku furay darawalka oo ay lacag ku murmeen.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warqabadka Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in falkaas uu ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, waxaana dilka uu ka dambeeyay kadib markii Askariga iyo Ninka ay wada-murmeen.

Sidoo kale dadka nala hadlay ayaa waxaa ay inoo sheegeen in askariga Dowladda uu Darawalka weeydiistay lacag dhan 5-kun oo Shilin Soomaali ah, hayeeshee uu ka dhago adeegay, sidaasina uu Askariga fasaas ugu furay Darawalka oo geeriyooday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga falka geystay uu si Deg deg ah u baxsaday, waxaana goobta uu falka ka dhacay Meydka ka qaaday Dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa, sidoo kalena falkaas siweyn uga carooday.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Odey da’ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamarar-Jajab ee Gobolka Bnaadir, wuxuuna falka yimid muran ka dhashay xabad sigaar ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media