Dal dib u helay Awoodda tamarta kadib 24 saac oo koronto la’aan ah

Awoodda tamarta ayaa dib loogu soo celiyay Lubnaan, sida ay saraakiishu sheegeen, kadib 24 sac oo dalkaasi koronto la’an aha.

Wasaaradda tamarta ayaa sheegtay in bangiga dhexe uu siiyay $ 100m (£ 73m) oo deyn ah si lo iibiyo shidaalka isla markaana u sii shaqeeyan xarumahaa korontada.

Dhaqaalaha dalka Lubnaan ee burburay ayaa shirkadda korontada dalkaasi ku kallifay iney awoodi weydo iney soo iibsato shidaalkii ay u baahneed.

Maalmihi u dambeeyey dalkaasi korontadu waxay ka maqnaaneysay saacada isdabajoog ah oo mararka 24 saac iyo ka badanba ay korotadu maqnaato.

Dadka awoodda dhaqaale ay u saamaxeysana si ay u helaan korontada ay u baahan yihiin waxay maciin badeen matoorro si gaar ah ay iyagu u maamulaan oo ay koronta ka helaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor