Dagaalyahanno ka tirsan Daacish oo la sheegay inay tahriib ku galaan Europe

Dagaalyahannadda Daacish ayaa la sheegay inay isku dhex qariyaan Tahriibayaasha Doonyaha ku soo gaar Xeebaha Qaaradda Europe.

 Abdul-baasid Haaruun oo Dowladda Libya u ah La-taliye dhinaca Ammaanka iyo Sirdoonka   ayaa u sheegay  daacadda BBC Radio 5  inay Dagaalyahanno Daacish ah si tahriib ah ku soo galaan Europe, iyagoo iska dhigayo Qaxooti ka soo gudbayo Badda Mediterraneanka.

 Sirdoonka waxay walaac ka muujiyeen inay Jihadistayaasha kordhin doonaan xiisadda Tahriibayaasha doonyaha ka soo raaca Xeebaha Waqooyiga Afrika ee ku so oqulqulayo Qaaradda Europe.

 La-taliyaha waxa kaloo uu  sheegay in ay cabsi xooggan iyo weeraro ka geysan karaan haddii ay Maleeshiyooyinkaasi soo gaaraan dalalka Xeebta leh, sida Talyaaniga iyo Giriiga.

 Taliyayaasha Kooxda Daacish waxay macaash xooggan ka helaan Tahriibinta Qaxootiga, iyagoo kala bar qaata lacagaha ay Kooxaha ka ganancsadaha Tahriibinta ay helaan.

Wargeyska The Mail on Sunday oo maanta ka soo baxay magaalladda London ayaa qoray inay heleen xog ku aadan in Ciiddanka Khaaska ee Quusayaasha Britishka ay qarka u saaran yihiin inay hawlgalo ka fuliyaan Xeebaha Libya, si ay u burburiyaan Maraakiibta ay Kooxaha wax tahriibiya adeegsadaan.
Kooxda Daacish ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay cabsi-geliyaan Qaxootiga Tahriibayaasha ee ka soo shiraacda xeebaha Libya.

Abdul-baasid Haaruun oo deggan magaalladda London, waxa uu u sheegay Barnaamijka Baaritaanka ee Idaacadda BBC Radio 5 Live ayaa sheegay inay Daacish doonyo u adeegsadaan sidii ay dadkooda ugu soo tahriibin lahaayeen Qaaradda Europe, iyadoo uu xusay inaysna Boliska Europe kala garan karin waxa Qaxootiga ah iyo qofka Daacish ah.

Milkiilayaasha doonyaha Tahriibka ayaa haysta Liiska dadka ay tahriibinayaan, iyadoo mararka qaarkooda u yimaadaan Dhallinyarro ka tirsan Daacish oo laga ballamo.

Kooxda Daaish ayaa la sheegay inay Xarun Istaraatijiyad leh ka dhigteeb  magaalladda Sirta ee dalka Libya, halkaasi oo uu dhaqaale badan ka soo galo.

Xigasho:- BBC Radio 5 live

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor