Dagaallo dad shacab ah lagu laayay oo ka socda gobolka Canfarta

Ugu yaraan 20 qof oo rayid ah ayaa la dilay tobanaan kun oo kalena waa lagu barakiciyay sababo la xiriira dagaallo u dhexeeya mucaaradka iyo xooggaga dowladda taabacsan ee ka socda gobolka Canfarta ee Itoobiya, oo deris la ah gobolka Tigray ee waqooyi-bari Itoobiya.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa ku sii fidaya gobolka Cafarta, dagaal kaas oo dhaliyey in kumanaan qof ay dhintaan sideed bilood gudahood isla markaana sababay in boqolaal kun ay ku barakacaan sida Qaramada Midoobay ay sheegtay.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo ku guuleystey Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee sanadka 2019-kii, ayaa ciidamo u direy Tigray bishii Nofeembar ee la soo dhaafey si ay meesha uga saaraan ururka TPLF oo ahaa xisbiga gobolkaas ka taliya.

Tallaabadan ayaa la sheegay in ay jawaab u ahayd weerar ciidamada dowladda lagu soo qaaday oo ay amarkiisa lahayd TPLF.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa abaabulaysaa xoogag ka kala socda gobollo kala duwan si ay u taageeraan ciidankeeda oo ay uga hortagaan waxa ay ku sheegtay daandaansiga jabhadda Tigrayga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor