Dagaal xoogan oo ka socda deegaano ka tirsan Galgaduud

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa xiga dhanka xuduudka dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas uu ka qarxay dagaal xoogan.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhexmarayaa laba Maleeshiyo beeleed oo hubeysan oo halkaas wada-dega, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu weli socdo ayna maqlayaa jugta rasaas xoogan oo la isku adeegsanayo, isla markaana dhinacyada dagaalamaya uu soo kala gaaray Khasaaro kala duwan, in kastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn Khasaraaha rasmiga ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka saakay qarxay uu salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil iyo dul-daaqsimeed ku yaalla halkaas, waxaana dagaalkaas uu yahay mid dhowr jeer soo lab-laabtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media