Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo duhurnimadii Maanta oo Jimco ah ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolkaaan Banaadir.

Dagaalka dhexmaray Ciidamadan dowladda ee kala ah Milateri iyo Boolis ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Waxar-Cadde ee Hiliwaa, waxaana inta uu socday dagaalka la maqlayey dhawaqa rasaas xoog leh oo isdhaafsanayeen labada dhinac.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka u dhexeeyay Ciidanka Booliska iyo kuwa Milateriga uu salka ku haayo Arrimo la xiriira dhul ku yaalla degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, welina lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Maamulka Hiliwaa iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin dagaalka dhexmaray Ciidamada ka wada tirsan dowladda, waxaana qaar kamid ah dadka deegaanka xaafadda Waxar-Cadde ay ku warrameen in dagaalka uu xooganaa.

Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey uga dhacay dagaal geystay khasaaro nafeed oo dhexmaray Ciidamo ka kala tirsan Milateriga iyo Booliska dowladda, iyagoona inta badan murankooda uu ka dhasho dhulal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor