Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo mar kale dib u Qarxay 

Wararka aan ka heleyn deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay ku warramayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeyay maleeshiyaadka Soomaalida iyo Canfarta.

Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda agagaarka Biyacadde oo u dhaw Magaalada Cadheyti, Tuulooyinka Shakle iyo birta dheer oo dhanka magaalada Candhuufa ah iyo tuulada Qalacle oo aan ka fogeyn magaalada Garbaciise.

Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsanayaan dagaalka u dhexeeya maleeshiyaadka Soomaalida iyo Canfarta, sida ay warramayaan qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ma jiraan ilaa hadda khasaare dhab ah oo ka soo baxay dagaalka saaka, iyadoo horey Canfarta ay u qabsadeen labada magaalo ee Garbaciise iyo Cadheyti oo ka mid ah sadexda magaalo ee lagu muransanaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor