Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda Shabeellaha hoose

Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalamaayasha Al-shabaab uu halkaasi ka socdo, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagaalkaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalku uu hadda ka socdo Deegaanka Jilib marka ee Gobolka Shabeellaha hoose, dagaalka ayaana yimid kadib markii Ciidanka Xogga ay weerar ku qaadeen Degaankaasi, oo ay horay u maamulayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in hadda dagaal goos goos ah uu Magaalada Bannaankeeda ka socdo, waxaana degaanka horay ugu sugnaa Al-shabaab, iyadoo inta badan ee Magaalada lagu soo warramayo in Ciidanka Dowladdu la wareegeen.

Ilaa iyo hadda khasaaraha lama xaqiijin, waxaana adag in xogta rasmiga ah la helo, maaddama wali dagaalku socdo, waxaana dadka degaanku ay kusoo waramayaan in dagaalku uu yahay mid cusul, kaasi oo ay macquul tahay in uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay, walow aan la xaqiijin khasaaraha.

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor