Dagaal markale ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn iyo khasaaro ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya tuulooyin  hoostaga deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in mar kale uu ka dhacay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo u dhaxeeyay laba maleeshi Beeleed.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Ceeryaan ee Koonfuta Magalada Ceerigaabo,waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka oo saakey Waabirigii bilaawday uu sababay dhimashada Saddex ruux oo labada dhinac ee wada dagaalamay ah iyo dhaawaca tiro intaasi ka badan.

Dhawaan ayaa deegaanka Ceel Afweyn waxaa lagu soo gaba gabeeyey shir lagu heshiisiinayay labadaasi beelood,balse Maanta markale uu dagaal ka dhacay tuulooyin horleh oo markii hore ahaa kuwo Nabdoon.

Waxgaradkii labada beelood ee shirkaasi ka qeyb galay ayaa weli waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Soomaaliland Cabdullaahi Ismaaciil Seylici ayaa dhawaan waxa uu shegay in soomaaliland aysan aqbaleyn in dadka Shacabka ah dushooda lagu dagaalamo balse ay u muuqato in hadalkaas aan loo hoggaansamin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor