Dagaal lagu dilay Abaanduule Ciidan oo ka socda degaano ka tirsan Galgaduud

Wararka aan ka heleyno deegaano hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda Federaalka.

Dagaalkaan ayaa waxaa ka yimid, kadib markii Ciidanka dowladda qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ay saakay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka bilaabeen deegaanada Ceeldheere iyo Sinadhaqo ee duleedka Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka guutada 15-aad qeybta 21-aad ayaa sheegay in dagaalka socda uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidanka dowladda iyo Shabaab.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Abaanduulihii Ururka 71-aad, Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Dhamme Sayid Bicir oo kamid ahaa Ciidamada dowladda ee dgaalka ku jiray, ayna jiraan Askar dhaawacyo soo gaaray.

Sidoo kale Saraakiisha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee Ciidamada ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalka looga dilay saddex dagaalame, isla markaana laga furtay hubkii ay wateen, waa sida hadalka loo dhigay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah ui xaqiijinta khasaaraha ka dhashay dagaalka haatan ka socda deegaano hoostega Magaalada Dhuusamareeb, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inay maqlayaan dhawaqa hub culus oo la isku adeegsanayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor