Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kaxan-dhaale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Gelinkii dambe ee Maanta uu halkaasi dagaal ka dhacay.

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu Magacaabo Laanta Dusmada oo dhow deegaanka Kaxan-dhaale ee Gobolka Galgadud.

Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka Kaxan-dhaale ayaa u sheegay Radio Dalsan in dagaalka uu hal ruux uu ku dhaawacmay,isla markaana dagaalka u soo gaaray Caawa fiidkii.

Mas’uuliyiinta Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudg weli dagaalkaas kama hadlin waxaana uu ku soo aadayaa xilli deegaano hoostaga degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud uu dagaal beeleed ka dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor