Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag

Wararka aan ka heleyno deegaan ku dhow degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Shidan oo hoostega Laasqoray ee Sanaag, waxaana inta uu socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wallow uu istaagay.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in dagaalka dhexmaray Maleeshiyo beeleedka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray labada dhinac, ayna maqlayeen saakay dhawaqa rasaas xoog leh.

Inta la xaqiijiay laba qof ayaa ku dhintay dagaalka dhacay, halka tirro intaas ka badan ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Ceerigaabo, si loogu daaweyo.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in inta uu socday dagaalka lagu gubay gaari, waxaana dadka deegaanka qaarkood ay sheegayaan in haatan xaaladda deegaanka Shida ay tahay mid degan oo aan la maqleyn rasaas dhaceysa.

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa tilmaamay in xiisad u dhexeeysay Maleeshiyaadka saakay dagaalmay ay ka taagneyd deegaanka Shidan ee hoostega degmada Laasqoray ee Sanaag, waxaana dagaalka uu la xiriiray muran dhuleed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor