Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka socda Magaalada Guriceel

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Gor-gor ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka socda bartamaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararaka aan halkaas ka heleyno.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Ciidamo ka tirsan Booliska ay xireen Askar kamid ah Ciidanka Gor-gor ee dowladda, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay xiliyada habeenkii ah waqti dambe ay dhex joogaan Magaalada Guriceel.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalka u dhexeeya Ciidamada la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaalkaas ka socda bartamaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halka tirro kalena ay dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo..

Wararka ayaa intaas kusii daraya in amarka markii hore lagu xiray Askarta ka tirsan Ciidanka Gor-gor uu bixiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Guriceel Cismaan Cali Weyday oo dhawaan dib ugu laabtay Magaaladaas, kadib safar uu ku yimid Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor