Dagaal khasaaro dhaliyey oo dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee galabta ka dhacay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanka Janaale, waxaana dagaalka uu socday muddo ku dhow dhowr iyo soddon daqiiqo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkii uga yimid Al-shabaab, isla markaana iska difaaceen weerarkaas, ayna khasaaro gaarsiiyeen raggii weerarka soo qaaday, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan deegaanka Janaale  ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen laba xubin oo ka tirsan Al-shabaab, ayna ka furteen hub uu kamid ah yahay Qoryaha AK47.

Al-shabaab iyo Ciidanka Xoogga ayaa dhowr mar ku dagaalamay degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoona halkaas ay ka dhaceen weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor