Dagaal khasaaro dhaliyey oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan Kenya iyo Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka Booliska dowladda Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaan hoostega Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

Dagaalkaan oo si gaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa tuulooyinka Sarmaan iyo Dhaaydhaay oo hoostaga degmada Ramo ee Mandheera ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo halkaas ku sugnaa.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka dhexmaray labada dhinac, waxaana ku geeriyooday 3 Askari oo kamid ah Booliska dowladda Kenya, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayaa waxaa ku sheegteen in weerar kale oo dhabba-gal ah ku qaadeen Ciidamo Kenyaati ah oo ku roondeynayay tuulada Darbo-cadaado, iyagoona watay 10 Mooto, isla markaana ay ka dileen saddex Askari, halka kuwo kalena ay dhaawacmeen.

Shabaabka ayaa intaas waxaa ay kusii dareen in dagaalka kadib ay hawada goobta dagaalka galeen diyaarado ay Kenyaatigu leeyihiin, kuwaas oo markii ay halkaas ka waayeen Shabaabka weerarka geystay, duqeymo la beegsaday xoolo Lo’ u badan oo daaqayay duleedka deegaanka Raamo.

Weli ma jiro wax war ah Dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan weerarka khasaaraha geystay ee Al-shabaab ka geysteen inta u dhexeeysa tuulooyinka Sarmaan iyo Dhaaydhaay oo hoostaga degmada Ramo ee Magaalada Mandheera Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor