Dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka socda Magaalada Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka socda magaalada Baladweyne ee xaruinta Gobolka Hiiraan, kaasi oo dhimasho iyo dhaawac gaystay, kuna sii fidaya qaybo badan oo magaalada ka mid ah.

Dagaalka ka qarxay Magaalada Baladweyne ayaa billawday Salaadda maqrib ka dib, waxaana uu ka socdaa Xaaafadda kooshin ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee aybu helnay ayaa sheegaya in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamo daacad u ah Sarkaal lagu magacaabo nuur dheere iyo Ciidanka Millateriga, waxaana Sarkaalkaasi uu dhowr jeer kasoo muuqday warbaahinta, xili uu sheegay in uusan la dhacsanayn Siyaasadda Maamulka Hirshabeelle.

Xaafadaha Magaaladu ay ka kooban tahay ayaa si weyn looga maqlayaa jugta iyo dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay 3 ruux oo shacab ah, halka tiro intaa ka bandanna ay ku dhaaawac meen.

Sarkaalka hoggaaminaya Ciidanka la dagaalamaya Ciidanka Millateriga ayaa la sheegay in muddo labo usbuuc ah uu waday diyaar garow iyo hub aruursi, waxaana sida wararku sheegayaan uu haystaa ciidamo farabadan oo malleyshiyaad ah, kuwaasi haatan Xaafadda kooshin ee Magaalada Baladweyne kuladagaalamaya Ciidanka Milleteriga.

Wali Saraakiisha Ciidanka, maamulka Gobolka Hiiraan, maamulka Magaalada iyo Saraakiisha Hirsahbeelle wax war ah kama soo saarin dagaalka, waxaana dagaalku kusii fidayaa xaafado hor leh oo ka tirsan magaalada, sida ay kusoo warramayaan dad ku sugan Magaalada Baladweyne.