Dagaal ka socda deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Wararka aan ka heleyno deegaan dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas  uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada-dega.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa deegaan lagu magacaabo Qalaanqale, waxaana lasoo werinayaa in labada Maleeshiyo beeleed ay dagaalka isku adeegnayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkaas ka socda Qalaanqale uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsiymeed ku yaalla halkaas oo dhowr jeer Maleeshiyo beeleedka ay ku dagaalameen, kuwaasi oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayaan.

Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Maleeshiyaad iyo dad shacab ah oo u badnaa xoolo dhaqato, kuwaasi oo inta badan ka dhashay Arrimo la xiriira dilal ah aanooyin qabiil iyo dhul-daaqsimeedyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media