Dagaal ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana kasoo baxaya faah-faahino dagaalkaas.

Dad ku sugan agagaarka Xaafadda Al-cadaala aya soo sheegaya in dagaalka uu sigaar ah u dhexmaray Ciidamo ka tirsan Maamulka Degmada Kaaraan iyo kuwo Milaterig ah, wuxuuna sigaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Gumbacoole oo Kaaraan ka tirsan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkaas uu ka dhashay muran Arrimo la xiriira dhul ku yaalla halka lagu dagaalamay, waxaana lagu soo waramayaa in halkaas weli xiisad ay ka taagan tahay.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday hal ruux oo shacab ah rasaasta ay haleeshay, iyadoona uu dhaawac soo gaaray dad kale, kuwaasi oo loo qaaday Xarun Caafimaad.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay Xaafadda Al-cadaala  gaar ahaan halka loo yaqaano Gumbacoole eek a tirsa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media