Dagaal ka dhacay degaan hoostega Warsheekh iyo khasaaro ka dhashay

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaan hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas aroornimadii hore ee saakay uu dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkaas ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, waxaana uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Xawaalo Odayaal oo hoostega Degmada Warsheekh, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub kala duwan.

Dad la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dagaalkaas salka ku haayo arrimo la xiriira dhul laga shidayo dhuxul oo ku yaalla deegaanka Xawaalo Odayaal, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laba ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka mid kalena uu dhaawac Culus soo gaaray oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, isla markaana waxaa xaaalad kacsanaan ah laga dareemayaa goobtii dagaalka uu ka dhacay.

Maalmo kahor ayay markii dad isku qoys ahaa lagu dilay deegaanka Xalluule oo hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo falkaas uu ahaa mid la xiriiray aano qabiil oo weli aan lagu guuleysan in xal laga gaaro dhacdadaas.

Si kastaba muddooyinkii ugu dambeeyay deegaano iyo degmooyin oo hoostega Warsheekh ayaa waxaa kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilala la xiriira aano qabiil, waxaana qaarkood lagu guuleystay in xal laga gaaro, halka kuwo kalena aan weli la xalin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media