Dagaal dhexmaray Ciidanka Maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna

Dagaal kooban oo u dhexeeyay Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacday degaanka Bohol oo waqooyi ka xigta Magaalada Dhuusamareb ee Gobolka Galgaduud.

Xog ay heshay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegeysa in ciidamada ay weli halkaas isku horfadhiyaan deegaanka Bohol, isla markaana ay xiisadda kacsan tahay.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlusunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud.

Hoggaamiyayaasha Ahlusunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.

Saraakiisha sare ee ururka Ahlusunna ayaa 29-kii Febraayo 2020 isu dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu dagaal dhex-maray maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna kadib isaga baxeen gobolka.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Ahlusunna ayaa xilligaas sheegay in malayshiyaadkooda iyo hubkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya gaar ahaana taliya guutada 15aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor