Dagaal culus oo saaka dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka weerar ku qaaday deegaan lagu magacaabo Beerxaano oo dhanka koonfur kaga beegan magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in weerarka kadib uu dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda ee Saldhiga ku leh Beerxaano iyo dagaalamayaasha Shabaabka ee weerarka ku qaaday deegaanka oo 30-KM u jira Baladweyne.

Saraakiisha ciidanka ku sugan deegaanka Beerxaano ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al-shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo kasoo gudbay dhinaca wabiga ayaa  dhowr mar weeraro kusoo qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan fariisimo ay ku leeyihiin deegaano dhaca koonfurta magaalada Balddweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor