Dagaal Culus oo mar kale ka qarxay Waqooyiga dalka Itoobiya

Maamul gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya, ayaa ku eedeeyey ciidamada gobolka ay dariska yihiin ee Tigreega iney weeraro horleh kusoo qaadeen dhulkooda.

Maamulku wuxuu intaa ku darey in Tigreegu qabsadeen magaalooyinka Magaale iyo Abala, ayna halkaasi ku dhaawacmeen tiro badan oo shacab ah.

Tigreega ayaa iyaguna dhankooda ku eedeeyey maamulka Canfarta iyo dowladda Eritrea-yaba iney iyagu bilaabeen marka koowaad dagaalka.

Shaqaalaha gargaarka, ayaa sheegay in rabshaduhu ay ka hor istaageen 27 baabuur oo sida cunno gargaar oo degdeg ah, kuwaasoo lagu wadey iney gaaraan gobolka Tigreega.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in cunno qeybintu ay mareyso heerkii ugu hooseeyey abid ee gobolka, iyadoo boqolaal kun oo qof ay kunool yihiin xaalad macaluul ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor