Dagaal Culus oo mar kale dib uga qarxay Magaalada Guriceel

Dagaal culus oo khasaare badan dhaliyay ayaa mar kale dib uga qarxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana hadda lasoo sheegayaa in dagaal xooggani  uu socdo.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Xarunta Jaamacada oo dhanka bari kaga taal Guriceel uu dagaalku ka socdo, waxaa si weyn loo maqlayaa hugunka qoryaha culus iyo kuwa fudud.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in hadda xaaladdu ay tahay mid aad u cakiran, waxaana wararku intasi ku darayaan Ciidamada Dowladaha ayaa xiray dhamaanba wadooyinka soo gala guriceel, gaar ahaan marinada gaadiidka ka yimaada dhanka waqooyi ee Magaalada kuwaa oo la tuhmayay in ay yihiin kuwa gurmadka ay kaga imaanayeen xoogagga Ahlu-sunna.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug ay inta badan magaalada gacanta, waxaana hadda dhanka Ahlu-sunna ay ku jiraan xaalad go’doon ah sida wararku sheegayaan.

Dagaalka maalintii afaraad ka socda Magaalada Guriceel ayaan ilaa iyo hadda lasoo sheegin khasaaraha ka dhashay, waxaana adag in la ogaado dhimashada iyo dhaawac rasmiga ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor