Dagaal Culus oo mar kale dib uga qarxay Magaalada Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyay

Wararkii ugu dambeeyay eeaynu ka helayno magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in Saaka mar kale uu dagaal culus uu dib uga qarxay, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Xaaladda guud.

Dagaalka oo ah mid aad u culus ayaa haatan ka socda dhanka Bari ee Magaalada, waxaana dagaalku uu si toos ah u billawday goordhaweyd, xili waaberigii hore ee Saaka xaaladdu ay ahayd mid deggan.

Qaar ak mid ah dadka degaanka ayaa inoo xaqiijiyay in ay maqlayaan jugta rasaasta, waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale ay cabsi xooggani soo food saartay dadka ku nool Magaaladaasi.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka dib u qarxay, iyadoo sidoo kale ay adag tahay in la helo xogta rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, maaddama wali uu dagaalku socdo, dhawaqa rasaastana si weyn loo maqlayo.

Magaalada Guriceel ee xarunta ganacsiga Gobolkaasi galgaduud ayaa galaysa maalintii seddexaad oo dagaal ah, , waxaana Magaalada ka go’an adeegyada Bulshada, iyadoo Korontada, Biyaha iyo Adeegyada Caafimaadka ay yihiin kuwo aqan shaqeynayn, taaso oo keentay in dadka degaanku ay wajahaan xaalad adag oo dhanka Nolosha ah.

Sidoo kakle Dagaalka Guriceel ayaa ah mid khasaro badan dhaliyay, iyadoo Ciidamada labada dhinac u kaal dagaalamaya uu soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana isi-soo taraya baaqyada kasoo yeeraya waxgaradka iyo qaybaha kaal duwan ee bulshada ee lagu dalbanayo in dagaalkaasi dhiigga badani uu ku daatay la joojiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor