Dagaal beeleed Khasaaro gaystay oo ka socda Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka helayno Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in halkaaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya Beelo walaala ah, waxaana soo bxaya faah faahinno dheeraad ah ku aaddan dagaalkaasi.

Wararkuw axaa ay sheegayaan in dagaalku uu ka qarxay Saaka Kabxanley oo ah waqooyiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolkaasi Hiiraan, waxaana wararkii ugud ambeeyay ay tilmaamayaan in uu jiro khasaro soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka ayaa wali socda sida ay soo sheegayaan dadka degaanku, waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, walina lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada malleyshiyo beeleed ee kud agaalamaya Degaanka Kabxanley.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dhulbeered, waxaana horay labada dhinac u dhex-maray dagaallo qaraar oo kan ka horreeyay, mana jirin waan waan iyo heshiis la dhex dhigay beelahaasi tan iyo markii uu oo cusboonaaday dagaalkoodu.

Maamulka Hirshabeelle iyo kan maamulka Hiiraan wax war ah kama soo saarin dagaalka socda, waxaana sidoo kale lasoo sheegayaa in ay macquul tahay in dagaalkaasi uu sii xoogaysto, maadaama aysan jirin cid ka madax bannaan labada dhinac oo hadda si toos ah u kala dhex-gashay Malleyshiyaadkaasi dagaalamaya.

Dagaalada la xariira aanooyinka qabiil ayaa dhawaanahaani waaxa ay ka dhacayeen degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana jira dadaallo lagu baajinayo dagaaladaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor